Home Wararka Maanta Booliska Somaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Isku Socodka Muqdisho Maalinta Codbixinta

Booliska Somaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Isku Socodka Muqdisho Maalinta Codbixinta

0

Taliska sare ee ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa kulan ka yeeshay sidii loo sugi lahaa amniga doorashada golayaasha deegaanka ee lagu wado in Muqdisho ka dhacdo 25-bishaan.

Kulanka kadib Booliiska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maalinta codbixinta ee ku  maalinta Khamiista bishuna tahay 25-ka December in la joojin doono isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adaha amaanka dowladda Federaalka  ay u diyaarsan yihiin adkaynta iyo xaqiijinta nabadgalyada ee doorashada dadweyne ee Khamiista soo socota ka dhacaysa gudaha Magaalada Muqdisho.

“6-da Aroornimo (6:00 AM) ilaa 6da Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codaynta Doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karo sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in maalintaas ay socon doonaan gaadiid gaar u ah u adeegista dadka codaynaya, guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo kuwa kale oo ruqsad u haysta in ay socon karaan.

Dadka danaynaya doorashada dadweyne ee  golayaasha deegaanka ayaa si weyn  indhaha ugu haya doorashadan dhowr iyo sodon sano kadib Soomaaliya ka dhaceysa, gaar ahaan magaalada Muqdisho.