Home Wararka Caalamka Caalamka:- Dhulgariir ka Dhacay Istanbul Caasimada Labaad ee Dalka Turkiga

Caalamka:- Dhulgariir ka Dhacay Istanbul Caasimada Labaad ee Dalka Turkiga

0

Dhulgariir is xigxigay ayaa maanta ka dhacay Magaalada Istanbul iyo goobaha ku dhow dhow ee ku teedsan Badda Marmara.

Dhulgariirka koowaad ayaa dhacay abaare 12:13 duhurnimo, waxaana uu cabirkiisu ahaa 3.9 magnitude. 27 daqiiqo ka dib ayaa waxaa dhacay kiisii ugu weynaa oo cabirkiisa lagu sheegay 6.2 magnitude. 2 daqiiqo ka dib ayaa magaalada laga dareemay dhulgariir kale oo cabirkiisu uu ahaa 4.4 magnitude.

Xudunta dhulgariirka ayaa ahayd meel 25 meyl kaga beegan koonfur galbeed Istanbul oo Badda Marmara ah.

151 qof oo dhaawac uu soo gaaray ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, kuwaas oo u badan dad isku dayayay in ay ka boodaan dhismayaasha, baqdin ay ka qabeen awgeed in guryaha ay la dumaan, sida uu sheegay Xafiiska Gudoomiyaha Istanbul.

Dadka reer Istanbul qaybtood ayaa la arkayay iyagoo guryaha ka soo baxaya, isla-markaana isugu tagaya goobaha barxadaha leh.

Magaalada iyo guud ahaanba dalka ayaan laga diiwaangelin guryo la degan yahay oo burburay iyo kiisas dhimasho ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, inkastoo uu dumay dhisme muddo dheer dhisnaa oo ku yaala Degmada Fatih ee Istanbul, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dowladda Turkiga ayaa waxay sheegtay in baaxadda dhulgariirka iyo khasaaraha ka dhashay ay aad u kala fog yihiin.

Dhulgariirka ayaa gaysan kara khasaare lixaad leh, marba haddii uu cabirkiisu ka sarreyo 5 magnitude.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay munaasabad uu kaga qaybgalay Caasimadda Ankara ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda, walow sida uu sheegay aan la soo sheegin dhibaato sidaasi weyn oo Istanbul ka dhacday.

Istanbul waa magaalada ugu weyn ee dalka Turkiga, waxaana ku nool 16 milyan oo qof, oo ah shan meelood oo meel tirada dadka dalkaasi