Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Dilay Sarkaal sare oo Alshabaab ka Tirsanaa

Ciidamada Dowlada oo Dilay Sarkaal sare oo Alshabaab ka Tirsanaa

0

Horjoogihii khawaarijta U Qaabilsanaa Gaynta Caruurta Si Askar Uga Dhigtaan Oo Ciidanka Xooggu Dalku Qaarijiyeen.

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka bakool waxa lagu khaarijiyey horjooge Cabdulaahi Maxamed Yare oomagaciisa afgarashada khawaarijta uu ahaa (Malaaq Qori).

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasweyne oo 50km dhanka galbeed kaga beegan magaalada xuddur, horjoogahaan waa horjoogihii khawaarijta amarkiisa ku go’odoomiyeen magaalada xuddur islamarkaasina khawaarijta u adeegsanayeen dhibaato kasta oo loogeysanayay shacabka iyo deegaanka isaga fududeyn jirey uguna magacawnaa malaaqa magaalada xuddur.

Boqolaal shacab ah oo khawaarijta dishey hantidoodana ku gubtay wadooyinka gobolka bakool ayaa la xasuustaa inuu amar ku bixiyey, haseyeshee geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo in mudo ah ku raad joogey sidii horjoogahaan dhiig yacabka ah umada looga qaban lahaa ayaa soo afjaray sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Previous articleShirweyne Ku Saabsan Maareynta Hubka Iyo Walxaha Qarxo Oo Ka Furmay Muqdisho
Next articleBoorama ee oo lagu toogtay mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here