Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowlada oo loo Qabtay inay 48 saac uga Baxaan Raaskanbooni

Ciidamada Dowlada oo loo Qabtay inay 48 saac uga Baxaan Raaskanbooni

0

Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee Jubbaland ayaa mar kale soo saaray digniin culus oo ku socota ciidamada ay dowladda gaysay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Jubbaland ayaa muddo 48 saac ah u qabatay ciidamada dowladda inay uga baxaan deegaanka Raaskambooni, waxaana amarkan culus ku dhawaaqay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha maamul goboleedka Jubbaland Mudane Aadan Axmed Xaaji.

Wasiirka ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay ku filan tahay amnigeeda, isla-markaana aanay aqbali doonin in ciidamada dowladda ay sii joogaan halkaasi.

Aadan Axmed ayaa sidoo kale ku goodiyay, haddii ciidamadaas ay ku bixi waayaan waqtiga loo qabtay inay qaadi doonaan tallaabo adag, uuna dulqaadka ka dhammaaday.

“Haddii ciidamadaas ay 48 saac gudahood ugu laaban waayaan meelihii laga keenay talaabo adag ayaan ka qaadeynaa, dulqaadkii waa naga dhamaaday”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Horay sidaan oo kale waxaan hanjbaad u jeediyay madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe oo muddo 15 maalmood ah u qabtay ciidamada ay dowladdu gaysay Jubbaland, welina waxba isma bedalin, oo ciidamo dheeraad ayay weli kusii daabuleysa dowladda.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac ayaa marba marka ka dambeysa kasii daraya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda ay isku rogto dagaal toos ah.