Home Wararka Maanta Ciidan ka tirsan Mareykanka oo lagu weeraray Gudaha Dalka Suuriya

Ciidan ka tirsan Mareykanka oo lagu weeraray Gudaha Dalka Suuriya

0

Xoogaga ay Iran taageerto ee ka hawlgala Suuriya ayaa Arbacadan weeraray Saldhigga Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Gobolka Deir Al-Zor.

Wararka ayaa sheegaya in xoogagan ay lix gantaal ekeeyeen saldhiggan oo ku dhow goob ay maraan dhuumaha gaaska.

Saldhiggan oo ku yaala deegaanka Conoco ayaa ah meel ay Ciidamada Mareykanka kala socdaan dhaqdhaqaaqa xoogaga ay Iran bari-taarto ee hubka u gudbiya Xoogaga Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay in gantaalada aysan ku dhicin gudaha saldhigga, isla-markaana aanay jirin waxyeelo ay gaysteen.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo ee saldhiggaasi degan ay weerarka kaga jawaabeen madaafiic.

Sarkaal magaciisa qariyay ayaa sheegay illaa iyo hadda inayan jirin wax dhaawac ah, oo ay ogyihiin oo ciidamada soo gaaray, balse ay suurtagal tahay in warbixintooda horudhaca ay wax iska bedelaan.

Weerarkan ayaa yimid, iyadoo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay Talaadadii sheegtay in sideed ka mid ah ciidamadooda ay ku dhaawacmeen weerar drone, oo xoogaga ay Iran taageerto ka gaysteen saldhiggaasi.

Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder ayaa Talaadadii macluumaadkan la wadaagay Warbaahinta, isagoona weerarka si toos ah ugu eedeeyay xoogaga ay Iran hubeyso, waana eedeyntii ugu horreysay ee xoogagaasi uu u jeediyo, muddo dhowr bilood ah.

Kooxaha ay Iran taageerto ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq ayaa daba-yaaqadii bishii October bilaabay in ay weeraraan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan labadaasi dal, ka dib carro ka dhalatay taageerada Mareykanka ee Israel.

Kooxahan ayaa bishii February hakiyay weeradooda ka dhanka ah Ciidamada Mareykanka ee saldhigyada ku leh Ciraaq iyo Suuriya, markaas oo Dowladda Ciraaq ay dalbatay in la siiyo fursad ay Mareykanka ugu bandhigto in ciidamadiisu uu dalkeeda uga la baxo, taasoo aan shaqeynin.

Xoogagan ayaa bishan dib u bilaabay inay weeraraan Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala labadan dal.

Weerarada lagu hayo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe ayaa imanaya, xilli ay sii kordheyso xiisadda ka dhalatay dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran.

Dowladda Iran ayaa wacad ku martay in Israel ay ka shalaayi doonto dilka siyaasadeed ee ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Caasimadda Tehran.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas uu ku fido gobolka oo dhan.

Madaxweyne Joe Biden ayaa shalay sheegay in Iran ay ka laaban karto weerarka ay dooneyso inay kaga aargudato Israel, haddii heshiis xabad joojin ah laga gaaro colaadda Gaza.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in loo baahan yahay in Israel iyo Xamaas ay xabad joojin cusub ka sameeyaan Gaza, si loo joojiyo dhiigga dadka rayidka ah ee daadanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here