Home Wararka Maanta Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka...

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidamada is kaashanaya ayaa la tilmaamay in saakay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Geelgub, waxaana howlgalkaas khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada is garabsanaya ay si buuxdo saakay ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Geelgub.

“Subaxdii Shanaad oo xiriir ah ayaa saaka geesiyaasha Qaranka iyo Halgamayaasha deegaanku Weeraro ku ekeeyeen Khawaarijta isku soo maqiiqday Hirshabeelle, waxaa u danbeeyay saaka oo geelgub laga eryay laguna laayay, mahadsan madaalayaashu” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay weli howlgalo culus oo si feyn ah ka wadaan duleedka deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa bilahii lasoo dhaafay ka socday dagaalo iyo duqeymo ka dhan maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qaar ka mid ah deegaanada gobolkaas oo ay kooxdu dhankeeda dhaqdhaqaaqyo xoogan ka waday mudooyinkii u dambeeyay.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.