Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal amni oo lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa deegaanka Jabad Godane, oo hoos yimaada degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhowaad 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal sare oo si gaar ah caan ugu ahaa abaabulka falalka argagixiso iyo dhibaateynta shacabka rayidka ah.
Warka Wasaaradda ayaa daaha looga qaaday Dadka la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalka waxaana ka mid ah: Jacfar Aadan oo ahaa Horjoogihii Al shabaab ee mas’uulka ka ahaa deegaanka Jabad Godane, Cabdirisaaq Cali oo ahaa Dhaqtarkii Dagaalamayaasha Al-shabaab ee degaankaasi iyo  Khawaarijta,  ruux kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Da’uud oo ay wasaaraddu ku sheegtay inuu ahaa Taliye ciidan oo hoggaaminayay unug ka howlgala aaggaasi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu si weyn u wiiqay awooddii Al-shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaanka, isku xirka, iyo taageerada sahayda.
War saxaafadeedka Wasaaradda ayaa lagu xusay in tani ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku burburinayaan shabakadaha Al-shabaab, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni, iyo amni guud ahaan dalka.








