Home Wararka Maanta Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo soo bandhigay Wiil kasoo goostay Kooxda Shabaab

Ciidanka Galmudug iyo Dowlada oo soo bandhigay Wiil kasoo goostay Kooxda Shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya , gaar ahaan ururka 86-aad ee guutada 77 ee fadhigoodu yahay deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, ayaa soo bandhigay dagaalyahan da’yar ah oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo ciidanka isku soo dhiibay.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Masagawaay ayaa soo bandhigay wiilkan o magaciisa lagu sheegay Ilyaas, waxa uuna wiilkan kamid ahaa dhallinyarada kamid noqotay kooxda Al Shabaab una dagaallameysay.

Ilyaas oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , waxa uuna xusay wiilkan in Al Shabaab kaga biiray deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay degnaayeen, isagoo tilmaamay in hadda go’aansaday in uu kooxdaasi kasoo baxo iskuna soo dhiibo dowladda.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhallinyaro badan oo qaarkood qaangaarin hub u dhiibtay dagaallana galisay, waxaana dhallinyaradaasi la tilmaamay in qaarkood kooxda Al Shabaab si qasab ah ku wateen, halka kuwa kalana fikir ahaan kooxda uga dhaadhiciyeen in ay hubka u qaadaan una dagaallamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here