Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al shabaab, kaas oo ka dhacay tuulada Buulo-xoog ee hoostagta deegaanka Buq-Aqable, gobolka Hiiraan.
War rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Al shabaab, islamarkaana la burburiyay labo gaari oo nooca xamuulka ah oo siday hub iyo maleeshiyaad.
Gaadiidka ayaa la sheegay inay kasoo bexeen deegaanka Shaw kuna sii jeedeen Buq-Aqable, xilliga uu hawlgalku dhacaayey.
Sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka, xog sugan oo la helay ayaa horseedday in la beegsado kooxdaasi, iyadoo dhaqdhaqaaqooda si dhow loola socday.
Ciidanka NISA ayaa si degdeg ah uga falceliyay xogtaas, kana hortagay in hub iyo ciidan kale ay gaaraan goobo cusub.
“Howlgalkan wuxuu muujinayaa sida ay u shaqeynayaan laamaha amniga iyo sida loo hubinayo in aan laga harin kooxaha Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka NISA.
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in muuqaallo caddayn ah oo ay qabatay kaamirada NISA la wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed, si loo muujiyo guusha ay gaareen ciidamada iyo khasaaraha soo gaaray Khawaarijta.
Howlgalka Buulo-xoog ayaa ah mid kamid ah hawlgallada isdaba joogga ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaal xooggan oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka sida lagu yiri bayaanka NISA.