Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray kooxda Daacish, iyadoo ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen sida ay sheegeen saraakiil ciidan, hub tiro badan iyo saldhigyo istaraatiiji ah oo ay kooxda ku lahayd gobolka Bari.
Ciidamada oo si gaar ah u beegsaday togga Miraale, oo ahaa fariisinka ugu weyn ee Daacish, ayaa ku guuleystay in ay meesha ka saaraan difaacyadii ugu dambeeyay ee ISIS.
Togga Miiraale ayay ciidamada Puntland ku qaadatay muddo ka badan bil inay gudaha u galaan, sababa la xiriira difaacyo adag oo ay halkaas ka sameysteen dagaalamayaasha kooxda Daacish.
Wejigii saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad ayaa u muuqda inuu soo gabagaboobay,iyadoo firxadka ahaa ee ISIS ay isku uruursadeen godad kooban.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad uu uga hadlayo guulaha laga gaaray hawlgalka Daacish.