Home Wararka Maanta Ciidanka dowladda oo xalay weerar ku qaaday fariisamo ay Al-shabaab ku laheyd...

Ciidanka dowladda oo xalay weerar ku qaaday fariisamo ay Al-shabaab ku laheyd Galmudug.

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Deegaanka, ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday fadhisimada maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku yaal dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Cali-heelle iyo Ciid-Kuus ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ahaa mid si degdeg ah u fulay, waxaana la burburiyay fadhiyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka sameysteen deegaanadaas maalmihii la soo dhaafay.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay in weerarku sababay in 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay ku dhinteen, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sii waday howlgallada si loo xakameeyo xoogagga Al-shabaab ee gobolka, waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen inay joojiyaan qorshayaasha weeraro ee Al-shabaab ee ka imaanayay deegaanadaas.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya inay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab si loo xasilinayo gobolka Galgaduud.