Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca ku adeegsada waxyaabaha maanka dooriya.
Muwaadinkaan ayaa todobaadkii tagay si sharci darro ah oo dhuumaaleysi ku galay Mareykanka isagoo ka tagay degaan ku yaala Koonfurta Magaalada Surrey ee dalka Canada, waxaana hadda ku socda baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha gacanta ku dhigtay.
Sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada Madaxa Ilaalada xuduudaha Mareykanka Rosario Pete Vasquez ayaa sheegay in Yusuf Maxamed Cali oo Soomaali ah lasoo xiray Khamiistii hore 10-kii April ka dib markii uu si sharci darro ah Maraykanka uga soo galay Canada meel u dhow xuduuda Blaine, ee Washington.
Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka ayaa sheegay in Yuusuf uu hore u lahaa soogalooti iyo taariikh dambiyeed oo lala xiriiriyay maandooriyaha, Maamulka ayaa sheegay in muwaadinkaan lagu soo oogay dacwad suurta gal ka dhigi doonta in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.
Saraakisha ilaalada xuduudaha dalka Mareykanka ayaa maalmaahan si aad ah u adkeeyay ammaanka xuduudaha dalkaasi si looga hortago qulqulka ay sameenayaan soogalootiga ajaabiinta ah kuwaasi oo wadamadooda uga soo cararay Colaado, abaaro iyo Shaqo la’aan.