Home Wararka Maanta Dalka Mareykanka Toogasho ay ku dhinteen Afar Qof oo ka dhacday Halkaasi

Dalka Mareykanka Toogasho ay ku dhinteen Afar Qof oo ka dhacday Halkaasi

0

Afar qof ayaa lagu dilay, daraasiin kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Birmingham ee gobolka Alabama ee dalka Mareykanka sida boolisku sheegay.

“Koox hubeysan ayaa rasaas oodda uga qaaday koox dad ah” watigii dambe ee Sabtidii meesha la yiraahdo five points oo ah koonfurta magaalada, sida uu sheegay Truman Fitzgerald oo ka tirsan booliska Birmingham.

Booliska ayaa ka qaaday goobta dhacdada maydka labo nin iyo qof dumar ah, qof afraadna dhaawac gaaray ayuu Isbitaalka ugu dhintay, sida uu sheegay Truman Fitzgerald.

Baarayaasha ayaa ogaanaya in kooxda weerarka gaysatay ay goobta lug uga baxeen iyo in ay gaari kaxeysteen ayuu intaa ku taray Mr Fitzgerald. Mana jirto illaa hadda cid loo qabtay dhacdadan.

Xaafaddan Five Points ee koonfurta degmada ayaa caan ku ah habeen soo jeedka.

Isagoo ka hadlayay dadka dhaawaca ah Fitzgerald waxa uu u sheegay weriyayaasha “waxan haynaa daraasiin dad ah oo xabado ku dhaawacmay goobta. Waxan sheegay in afar ka mid ah uu dhaawacoodu halis yahay.”

Illaa 400 oo toogasho ah ayaa la weriyay sanad kan oo kaliya in ay ka dhaceen Maraykanka sida laga soo xigtay kooxda kaydisa rabshadaha hubka lagu geysto ee la yiraahdo Gun Violence Archive.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here