Home Wararka Caalamka Dalka Yemen oo lagu dilay 70 Askari oo Mareykanka iyo Israel isku...

Dalka Yemen oo lagu dilay 70 Askari oo Mareykanka iyo Israel isku jira

0

Ugu yaraan 70 askari oo ka socday Israaiil iyo Maraykanka ayaa lagu dilay dalka Yemen, halkaasoo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay inay howlgalo qarsoodi ah ka fuliyaan degaanada Xuutiyiinta.

Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo Israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday sida ay baahisay wakaalada wararka AFP.

Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa ka dusay meelo cidlo ah oo ka tirsan xeebaha dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed Ruushku leeyahay, xogtaasi waxaa lala socodsiiyay Iran, isla markiiba Sirdoonka Iran waxay wargaliyeen Xuutiyiinta.

Dagaalyahanada Xuutiyiintu waxay u dhigeen dabin iyagoo  u  galay jid-goyn aanay filaynin waxaana halkaas lagu laayey dhammaan ciidankii hubaysnaa Gudaha u galay dalka Yemen sida uu sheegay Khabiir ciidan oo Maraykan ah oo arrintaasi laga waraystay.

Ma jiro War kasoo baxay Israaiil iyo Maraykanka oo ku saabsan in ciidan tiradaas ah lagu dilay gudaha Yemen, inkasta askarta dhimatay lagu tilmaamay Calooshooda u shaqaysteyaal daacad u ah labadaas dawladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here