Home Wararka Maanta Deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan oo Dagaal Culus ka Qarxay Goor...

Deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan oo Dagaal Culus ka Qarxay Goor Dhow

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo deegaanka Ceel hareeri oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidanka Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar qaraxyo ku biloowday ku qaadeen fariisin ciidamada Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Ceel hareeri, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaraya dagaal aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleeyda Xawaadle ay iska caabin xoogan kala hortageen weerarka kooxdu ku qaaday fariisinkooda deegaanka Ceel hareeri.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Ceel hareeri, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo duuleedka deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii deegaanka Ceel hareeri sidaan oo kale dagaalo qaraar ugu dhexmareen Al-shabaab iyo ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle, waxaana dagaaladaasi lagu jebiyay Al-shabaab oo looga dilay in ka badan 70 xubnood oo ka mid ahaa dagaalanayaashooda.