Home Wararka Maanta Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo Dagaal Culus ka Socodo Iminka

Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo Dagaal Culus ka Socodo Iminka

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacado badan qaatay oo ka socda qeyba ka mid ah degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo sheegaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaaroyin ka dhashay dagaalka oo aanan si rasmi wali loo xaqiijin karin.

Dagaalkaan ka socda qeybo ka mid ah degmada Moqokori ayaa ah mid daba socda weerar Ismiidaamin ahaa oo kooxdu saakay kula jarmaaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle, waxaana aad u adag in la helo xogahii ugu dambeeyay ee ku saabsan dagaalkaan saakay qarxay, maadama isgaarsiintu ay tahay mid hawada ka maqan.

Dagaalka ka socda Moqokori iyo nawaaxigiisa ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor kooxda Al-shabaab laga xureeyay deegaanada kala ah Gumare iyo Ceel qooxle oo ka tirsan deegaanada hoostaga magaalada Moqokori.

Ugu dambeyntii ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Moqokori iyo laamaha amaanka degmada oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka socda iyo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee saakay dhacay, waxaana la filaya in saacadaha soo socda ka hadlaan.