Ku-simaha Xoghayaha Amniga Gudaha Benjamin Hoffman ayaa ammaanay Admiral Feigen, oo xilkan haysay tan iyo 2022-kii.
Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha, oo kormeera Ilaalada Xeebaha, ayaa sharraxay in shaqada looga eryay “sababo la xidhiidha hoggaan la’aanteeda, guul-darradeedii heerka shaqo, iyo awood la’aanteeda inay horumariso yoolalka istaraatiijiyadeed ee Ilaalada Xeebaha Mareykanka. .”
Waxa uu sheegay in taliyaha shaqada laga eryay uu ku guul daraystay in uu wax ka qabto khataraha amniga xuduudaha, si xunna loo maareeyay hawlaha wax iibsiga oo ay ku jiraan diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxa uuna aad diirada u saaray kala duwanaanshaha, sinnaanta iyo barnaamijyada ka mid noqoshada.
Sargaalka Maraykanka ah ayaa ka hadlay hoos u dhaca kalsoonida lagu qabo Ilaalada Xeebaha taas oo ay sabab u tahay maaraynta baadhitaanka eedaha ku saabsan xadgudubka galmada.
Dhinaca kale, xubnaha Dimuqraadiga ee Congress-ka ayaa cambaareeyay go’aanka shaqada looga eryay Feigen, waxayna Senator Maria Canwell sheegtay in mas’uulkan shaqada laga eryay uu ka shaqeeyay sannadihii la soo dhaafay si uu wax uga qabto fiditaanka ifafaalaha xadgudubyada galmada ee gudaha Ilaalada Xeebaha.