Home Wararka Maanta Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa lagu beegsaday labo doon, kuwaas oo la rumeysan yahay inay sideen hub casri ah oo loogu talagalay kooxda Al-Shabaab.

Taliska AFRICOM wuxuu sheegay in labada doonba  lagu soo raray hub noocyadiisu ay ahaayeen kuwa casri ah, kuwaas la doonay in beegsado ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee iska kaashanaya la dagaallanka Al Shabaab.

“Hubka la waday wuxuu u socday kooxda Al-Shabaab, wuxuuna halis ku ahaa Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka”, sidaasi waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM.

Wuxuu Taliska AFRICOM sidoo kale sheegay in aysan jirin qof shacab ah oo wax ku noqday duqeymahan ay ka fuliyeen biyaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow uga caawiya Soomaaliya la dagaalanka Kooxda AL Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsato xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobollada Sh.Dhexe iyo Hiiraan.