Ra’iisul wasaaraha dalka Australia, Anthony Albanese ayaa maanta ku dhawaaqay inay cayriyeen safiirkii Iiraan u fadhiyay dalkaas, lana xiray safaaradda Australia ay ku lahayd Iiraan
Waxaa loo wareejiyay dal saddexaad diblomaasiyiintii Australia kaga sugnayd Tehran,
Waxaa uu intaa ku daray in Australia u aqoonsan doonto urur argagixiso ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan
Tallabooyinkan ayuu sheegay in la qaaday kadib markii ay oggaadeen weerarro sannadkii hore ka dhacay magaalooyinka Sydney iyo Melbourne oo lagu beegsaday Yuhuudda inay ka dambeysay Iiraan.
Iiraan ayaa dhankeeda urur argagixiso u aqoonsanaysa ciidanka milatariga Australia, isla marka ay Australia ku dhawaaqdo inay urur argagixiso u diiwaangelisay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.