Home Wararka Maanta Dowlada Israel oo ogolaatay Dalab ugu yimid Wadamada Masar iyo Mareykanka

Dowlada Israel oo ogolaatay Dalab ugu yimid Wadamada Masar iyo Mareykanka

0

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen   Qatar, Masar iyo Mareykanka, waxay ku sheegeen in la joogo xiligii la soo afjari lahaa dagaalka 10 bilood jirsaday ee ka socda Gaza

“Waxaa la joogaa waqtigii si degdeg ah loo soo afjari lahaa dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo dadka ku nool Marinka Qasa, Waxaa la joogaa xilligii la soo gebagebeyn lahaa heshiis xabbad-joojin ah oo la sii dayn lahaa maxaabiista” ayaa lagu yiri war ay soo saareen saddexda dowladood.

“Waxaan raadinaynay  muddo bilo ah si heshiis loo gaaro, haddana miiska ayuu saaran yahay, waa in aan wakhti dambe la lumin, oo aan la sameyn wax cudurdaar ah oo dib dhigi kara Annaga, dhexdhexaadiyayaal ahaan, waxaanu diyaar u nahay, haddii loo baahdo, inaanu soo bandhigno soo jeedinta ugu dambaysa ee lagu xallinayo arrimaha la xiriira fulinta heshiiska, Waxaan ugu baaqnay labada dhinac dib loo bilaabo wada-hadallada 15ka Agoosto la isuguna yimaado Doha ama Qaahira.” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka.

Israel ayaa oggolaatay in 15-ka Agoosto dib loo bilaabo wadahadaladii xabad joojinta Gaza, sida ay dalbadeen dhexdhexaadiyeyaasha Mareykanka, Qatar iyo Masar, sidaasina waxaa sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu xilli xiisadda dagaal ka qarxa gobolka ay cirka isku shareertay.

Dadka falanqeeya arrimaha bariga dhexe ayaa sheegaya in Israel aysan daacad ka aheyn iney mira dhalaan wadahadalada maadaama ay horey u diiday heshiisyo ay soo bandhigeen dalal uu ku jiro Mareykanka, ujeedada ay aqbalaada wadahadalka ka leedahayna waxaa la sheegay iney tahay sidii ay hoos ugu dhigi laheyd xiisada ka taagan bariga dhexe oo haatan qarka u saaran dagaal baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here