Home Wararka Maanta Dowlada Israel oo Xirtay Xafiiska uu Telefashinka Al-jaziira ku lahaa Magaalada Ramallah

Dowlada Israel oo Xirtay Xafiiska uu Telefashinka Al-jaziira ku lahaa Magaalada Ramallah

0

Ciidanka Israa’iil ayaa xoog ku galay xarunta telefishinka Al Jazeera ee magaalada Ramallah ee dhulka Falastiin ee la heysto(Daanta galbeed)

Ciidamada ayaa xagiiska ku xiray amar militari, kaasoo hadda albaabada loo laabay muddo 45 cisho ah.

Tani waxay ku soo aaday saacado kaddib markii Al Jazeera ay baahisay muuqaallada ay duubeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil oo gacanta u galay Xamaas kuwaasoo ay ka soo muuqatay xad-gudubka ay Israa’iil kula kacayso Falastiiniyiinta Qasa.

Waxaa laga helay diyaaradda aan duuliyaha lahayn muuqaallo argagax leh oo ay duubtay oo aad ku arkaysid, Falastiini lagu qasbayo inuu dharka iska dhigo, mid kale oo meel iska fadhiya oo bam lagu dhufanayo iyo duqeymaha xaafadaha koonfurta Qasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here