Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo ka hadashey in Dalkeeda Hub looga gudbiyo Kooxda Xuutiyiinta

Dowlada Somaliya oo ka hadashey in Dalkeeda Hub looga gudbiyo Kooxda Xuutiyiinta

0

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, (Cali Balcad) ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in hub ka baxa gudaha Soomaaliya uu gaarayo dalalka deriska.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in waddanka Soomaaliya uu isaga la tacaalayo sidii loo joojin lahaa hubka sharci darrada ah ee kaga soo gudba dhinaca Yemen.

Isagoo ka hadlayay Forum-ka Doha ee 23-aad, ayuu wasiirku u sheegay Al Jazeera Net in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in hub Soomaaliya ka baxa uu gaaro gacmaha Xuutiyiinta ama cid kale oo gobolka ka tirsan.

Wasiir Cali Balcad ayaa wuxuu yiri “Eedeymahaas ma aha kuwo sax ah Hubka kaliya ee socdaalkiisu la og yahay waa kan ka yimaada Yemen ee u soo gudba Soomaaliya, Ma jiro wax war ama xog muujinaya in hub Soomaaliya uga ambabaxo dhinaca Xuutiyiinta, annaga ayaana dagaal ugu jirna in aan taas joojino.”

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku dadaalayso in ay xoojiso xiriirka ay la leedahay waddamada gobolka, ayna ka shaqaynayso nabad iyo iskaashi dhab ah oo ka hirgala Geeska Afrika.