Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Cadaysay Mowqifkeeda Ku aadan Dagaalka Ka dhex Qarxay Israil...

Dowlada Soomaaliya oo Cadaysay Mowqifkeeda Ku aadan Dagaalka Ka dhex Qarxay Israil iyo Iiraan

0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ka soo saartay xiisadda Iran iyo Israa’iil, iyadoo ugu baaqday dhinacyada imay joojiyaan xiisadda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan. Xasiloonida iyo xiisadahan kor u kacaya waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay dhex-dhaxaadnimo, waxayna inta badan meel dhexe ka istaagtaa xiisadaha bariga dhexe, balse Iran iyo Israa’iil midna xiriir lama lahan dowladda Soomaaliya.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay, iyagoo aan gaarin halkii loola dan lahaa ee gudaha Israa’iil.

Dowladda Iran ayaa sheegtay in weerarkii xalay ay ku qaaday Israa’iil uu jawaab u ahaa weerar Israa’iil ay ku qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ay ku leedahay dalka Siiriya bilowgii bishaan.

Markaan waxaa la sugayaa go’aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay Iran ay ku ekeysay Israa’iil, guud ahaan dalalka gobolka Bariga Dhexe waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, waxayna Iran ka codsadeen in tallaabo dambe aysan qaadin.

“Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta” ayaa lagu yiri hanjabaad cusub oo maanta ka soo yeertay Iran.

Dhankeeda Israa’iil mar hore ayay wacad ku martay inay jawaab adag bixi doonto, waxaana suurtagal ah inay dhacdo falcelin ka timaada dhanka Israa’iil, maadaama dowladda hadda ka talisa lagu tilmaamo tii ugu go’aanka adkeed taariikhda maamulka Yahuuda.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Turkiga oo xayiraad dhanka Fiisaha ah kusoo Rogay Soomaaliya
Next articleKenya oo dib uga fiirsaneysa heshiis ay horay ula gashay Itoobiya iyo Sababta Keentay oo la Ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here