Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Waxa Ka dhacay Raaskanboooni

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Waxa Ka dhacay Raaskanboooni

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uga hadashay sababtii ciidanka qaranka shalay loogu jebiyey dagaalka Raaskambooni, iyadoo cadeysay in dagaalka ciidamada Jubaland aan loo bareerin.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga oo warbaahinta dowladda lagu baahiyey ayaa lagu cadeeyey in Axmed Madoobe soo abaabulay weerarkaas, isla markaana lagu soo duulay ciidankii qaranka ee ATMIS kala wareegay xeryaha ay baneeyeen.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

“Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga.

Dowladda Federaalka ayaa cadeysay in ciidanka laga qabsaday Raaskambooni aysan amar u heysan in ay la dagaalamaan cid aan aheyn Khawaarijta Al-Shabaab.

Caawa Raaskambooni waxaa jooga ciidamada Jubaland oo ku qabsaday dagaal qaraar oo saakay soo bilowday, kadib markii ay ciidanka qaranka ku weerareen saldhigyadooda.

Dowladda ayaa saakay Axmed Madoobe ku eedeysay inuu xiriir la sameystay Al-Shabaab oo ciidankiisa ay soo dhexmareen Khawaarijta si ay u gaaraan Raaskambooni oo weerar ay ku ekeeyeen, halka Jubaland ay dowladda ku eedeysay in ciidankeeda loo adeegsatay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee ciidanka xoogga dalka.