Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Dekadaha Itoobiya lasiinaayo

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Dekadaha Itoobiya lasiinaayo

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay si faah-faahsan uga hadashay heshiis deked ganacsi oo dhex mari kara Itoobiya, kaasi oo ay Itoobiya u isticmaali doonto si la mid ah sida ay Jabuuti u adeegsato.

Inkasta oo weli si rasmi ah loo go’aamin dekedda ay Itoobiya adeegsan doonto, haddana dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay goobaha suurta-galka ah ee ay Itoobiya ka heli karto deked ganacsiyeed.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Balcad, ayaa sheegay in dekedda ay Itoobiya adeegsan doonto ay ku taallo Badweynta Hindiya, taasoo meesha ka saareysa Gacanka Cadmeed, oo ay ku yaallaan Saylac iyo dekeddaha kale ee maamulka Somaliland.

Waxa uu tilmaamay inay noqon karto dekedda Itoobiya lagula heshiinayo isticmaalkeeda mid ku taalla laga soo bilaabo Garacad illaa Kismaayo, halkaas oo ay ku yaallaan illaa toddobo dekedood oo u baahan maalgelin iyo dayactir.

Yaa maalgelinaya dhismaha dekedda?
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Itoobiya aysan maalgelin doonin dhismaha dekedda ay adeegsaneyso, balse ay Soomaaliya iyo maalgashayaal caalami ah iska kaashan doonaan maalgelinteeda.

“Dekedda annaga ayaa dhisan doona anagoo kaashanayna cid na maalgelisa, iyagu (Itoobiya) wax shaqo ah kuma yeelan doonaan. Laakiin meesha ku habboon suuqooda iyo isticmaalka Itoobiya waa mid ka mid ah waxyaabaha farsamo ee laga wada hadli doono,” ayuu yiri Cali Balcad.

Waxa uu intaas kusii daray: “Haddii aan Itoobiya heshiis la galno, waxaan heli karnaa maalgelin aan ku dhisno dekeddo waaweyn. Weliba dekedda waxaa ka muhiimsan jidadka waaweyn ee ka baxaya. Adduunyadu maanta waxay usoo jeeddaa in la maalgeliyo isku xirka dalalka.”

Wuxuu tilmaamay inay jiraan shirkado iyo dalal daneynaya dhismaha dekeddan. “Haddii qofka ogyahay in suuq Soomaaliya ka weyn uu u baahan yahay deked iyo waddo, shirkado iyo dalal maalgeli kara ayaa heli doona fursaddaas,” ayuu raaciyay.

Goorma ayaa la gaarayaa heshiiska dekedda?
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay bisha Juun gaaraan heshiis la xiriira dekedda ay Itoobiya ka adeegsaneyso, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin qodobadiisa marka laga reebo in uu yahay heshiis ganacsiyeed.

Wasiiru-dowlaha ayaa xaqiijiyay in ay harsan yihiin illaa afar kulan, kadibna ay labada dal soo gaba-gabeyn doonaan wada-hadallada, kuwaas oo ka bilowday Ankara, una sii gudbay Addis Ababa iyo Muqdisho.

Gaba-gabada wada-hadallada labada dal ayaa lagu go’aamin doonaa habka ay Itoobiya ku heli doonto deked ay ganacsigeeda u adeegsato, iyadoo dowladda Soomaaliya meesha ka saartay suurta-galnimada in dhul-badeed la siiyo Addis Ababa.

“Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib, oo dhici doona bisha Juun, taas oo lagu go’aamin doono dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Cali Balcad.