Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya ka wada daan-daansi iyo falal ku xadgudbaya madax-banaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana isha lagu hayaa talaabooyinka la gudboon ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso.
Dawladda Soomaaliya ayaa cadeysay in Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado falal ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, iyadoo gacan siineysa madaxda la doonayo in sharciga la hor keeno ee heysata maamulka Jubbaland.
Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Itoobiya ay shalay Kismaayo ka dejisay labo diyaaradood, kuwaas oo Addis Ababa u qaaday madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kale oo Jubbaland ka socda, si loogu adeegsado burburinta iyo carqaladeynta dowladnimada Soomaaliya.
“Shakhsiyaadka Itoobiya kala shaqeynaya falalka guracan isha ayaan ku heynaa, waxayna dowladda Soomaaliya hor keeni doontaa sharciga,” ayuu yiri Wasiir Cadaala, farriintaan ayaa u muuqatay haniabaad ay dowladdu u direyso Jubbaland.
Eedeynta dowladda Soomaaliya ay maanta u jeedisay waxay saameysay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airline, taas oo labo diyaaradood shalay u soo dirtay Jubbaland, hadii dowladda Soomaaliya ay go’aan qaadatonwaxay dalka ka mamnuuci kartaa diyaaradaha shirkadaas, taas oo musiibo dhaqaale ay kala kulmi karto Itoobiya.
Ugu dambeyntii Dawladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.