Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Raskambooni oo ay ku eedeeyeen in ay JL ka dambeysay, waxayna sheegtay in aysan fileynin in ay ciidanka Jubbaland howlgal ciidan sameyn karaan, baaris in la sameyn doono ayay sheegeen, guddi gaar ahna loo xilsaaray.
Dawladda ayaa sheegtay in ciidanku aysan amar dagaal-qabin, balse tan xaqiiqada ah waa in halkaas ciidanka loo geeyey in Jubbaland lagu cadaadiyo, sida madaxweyne Xassan Sheekh maalmo kahor u sheegay wakiilada caalamiga ah oo uu sheegay in uu 7 maalin kuqabsan doono Kismaayo.
DF ayaa sheegtay in ay weerarkaas Jubbaland kala shaqeyeen dhinaca kooxaha Argagixiso, taas oo muujinaysa wax kasoo horjeeda hadaladii bilo kahor MW Xassan Sheekh.