Home Wararka Maanta Dowlada Taliyaaniga oo 30 Gaadiid-ka Gaashaaman ugu Deeqday Dalka Somaliya

Dowlada Taliyaaniga oo 30 Gaadiid-ka Gaashaaman ugu Deeqday Dalka Somaliya

0

Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday inay si bilaash ah ugu wareejinayso Dowladda Federaalka Soomaaliya 30 gaari oo ah nooca gaashaaman ee fudud VBL Puma 4×4, kuwaasoo horey u lahaayeen Ciidanka Difaaca Talyaaniga.

Go’aankan ayaa sida ku cad warbixinta ah deeq dowladeed oo lambarkeedu yahay 273, kaasoo ay si rasmi ah u oggolaadeen guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Baarlamaanka Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in gaadiidkan ay yihiin kuwo horay u isticmalayeen ciidanka dalkaas isla markaana aan la jaanqaadayn baahiyaha ciidanka Talyaaniga oo u baahan hub casriga ah, waxaan ciidanka wadankaas lagu qalabayn doonaa noocyo casri ah sida gaariyada Lince.

Wareejinta gaadiidkan ayaa lagu saleynayaa heshiiska iskaashi ee milatari ee labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2013, waxaana sidoo kale suuragal noqotay kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka qaaday Soomaaliya cunaqabatayntii hubka, iyada oo la tixgelinayo horumarka amniga ee laga sameeyay dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo taageerada caalamiga ah ee dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Heshiiska wareejinta gaadiidka ayaa sidoo kale looga hadlay kulan dhawaan Muqdisho ku dhexmaray taliyaha ciidanka difaac ah Talyaaniga iyo wasiirka difaaca Soomaaliya oo uu wehliyay taliyaha milatariga Soomaaliya.

Inkastoo gaadiidkaan ay horay u isticmaalayeen ciidanka Talyaaniga marka la keeno Africa waxa uu noqonayaa gaadiid casri ah.