Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yaşar Güler, ayaa sheegay in Türkiye ay sii wadi doonto iskaashiga difaaca ay la leedahay dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga loogana hortago argagixisada.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu la yeeshay wakiillo ka socday warbaahinta oo ka dhacay caasimadda Ankara, halkaas oo uu ku soo bandhigay qiimeynta sanadlaha ah ee hawlaha wasaaradda difaaca Turkiga.
Güler ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah saaxiibada istaraatiijiga ah ee Türkiye ee Afrika, isagoo sheegay in tababarrada, latalinta iyo taageerada farsamo ee Ankara ka bixiso Soomaaliya ay si joogto ah u kordhayaan.
“Waxaan sii xoojinaynaa hawlaha tababarka, latalinta iyo taageerada ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka walaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Güler.
Wuxuu sidoo kale shaaciyay in dhawaan Turkigu ka hirgeliyay Soomaaliya Taliska Hawlgalka Hawada, kaas oo ka kooban diyaarado qumaatiga u kaca (helikobtaro) isugu jira kuwo adeeg iyo kuwo dagaal, si ay gacan uga geystaan hawlgallada amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan.
Wasiirka ayaa xusay in Turkigu bixiyo tababarro ciidan oo ay ku jiraan barashada afka Turkiga, kuwaas oo ka socda 12 dal oo Afrika ah, Soomaaliya-na ay ka mid tahay, iyadoo iskaashi lala leeyahay Wasaaradda Difaaca Turkiga, Hay’adda Maarif Foundation iyo Machadka Yunus Emre.
Hadalka Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay caqabado dhanka amniga ah, isla markaana ay sii kordhayso doorka Turkiga ee taageerada ciidanka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo xasillinta dalka.








