Home Wararka Maanta Duqa Magaalada Sheffield ee dalka UK oo loo doortay Gabar Somali ah

Duqa Magaalada Sheffield ee dalka UK oo loo doortay Gabar Somali ah

0

Safiya Siciid oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa loo caleema saaray inay noqoto Duqa magaalada ee128-aad ee Lord Mayor kadib shirkii golaha deegaanka ee dhacay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana ay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo madow ah, xijaaban, soomaalina ah oo loo magacaabo xilkaas.

“Waxaa sharaf ii ah inaan noqdo gabadhii ugu horreysay ee madow ah oo xijaaban oo qabata xilkan, waxa aan imid Sheffield 1985-kii, magaaladan ayaana runtii noqotay gurigeyga, meel aan waligey dareemayay inaan ka tirsanahay” ayay tiri Safiya kadib magacaabisteedi Khudbadi ay jeedisay.

Safiya ayaa sidoo kale Khudbada ay ka jeedisay kulanka ku sheegtay inay doonayso “cod kasta, si kasta oo uu u aamusan yahay, in la dareemo in laga maqlo bartamaha magaaladan”.

“Waxaan rajaynayaa inaan Sheffield u beddelo xarun kobcaysa oo ay maalgashadayaasha, ganacsatada, samafalayaasha, iyo dadka deggani ay sameyn karaan iskaashi oo ay is taageeraan, iyaga oo eegaya in ay soo ururiyaan sheekooyinka Sheffield, kor u qaadaan codkeeda, oo ay si sharaf leh u matalaan ruuxda magaaladeena”. Ayay markale ku sheegtay khudbadeedi.

Safiya waa Hooyo keligeed ah oo haysata shan carruur ah, waxaana markii ugu horreysay loo doortay in ay xildhibaan ka noqoto Burngreave sanadkii 2021, waxay aasaastay barnaamijj lagu magacaabo Gaarsii Dhalinyarada (Reach Up Youth), oo ah mashruuc bulsho oo taageeraya dhallinyarada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dadka asalkoodu yahay madow iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.