Madaxtooyada Turkiga ayaa shaacisay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kawada hadleen arrimo ay ugu weyn tahay dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagexisada Soomaaliya.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga oo lagu soo bandhigay barta X, labada Madaxweyne ayaa inta ay qadka telfoonka ku hadlayeen isla meel dhigay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.
Dhankiisa Madaxweyne Erdogaan ayaa dhigiisa Soomaaliya u sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka taageerayo hiigsiga horumar ee dhanka Dimuquraadiyadda, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan la dagaalanka Argagixisada gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Al shabaab iyo Daacish.
Erdogaan ayaa intaa ku daray in Turkiga uu sii wadi doono garab istaagga Soomaaliya ee dhinacyada Tamarta iyo Kalluumeysiga, isla markaana iskaashiga dhinacyadaasi uu yahay mid rajo gelinaya Dowladiisa.
Ugu dambeeyn waxa uu Madaxweyne Erdogan ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Munaasabadda Ciidul Adxaa oo ku beegan todobaadka soo socda.