Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ka badan 6,000 oo fiisooyin ardayda caalamiga ah laga hakiyay sababo la xiriira “ku xadgudubka sharciyada Mareykanka iyo joogitaanka muddadii loo oggolaa dalkaas oo ka badsadeen.”
Wasaaraddu waxay Isniintii sheegtay in “tirada ugu badan” ee xadgudubyadan ay ka mid yihiin weerarro jireed, daroogada iyadoo la wado gawaari, xatooyo iyo “taageeridda argagixisada.”
Tallaabadan ayaa timid iyadoo maamulka Madaxweyne Trump uu sii wado siyaasaddiisa adag ee la xiriirta socdaalka iyo ardayda caalamiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay shaacisay in in ka mid 6,000 oo dal ku gal la hakiyay, ku dhawaad 4,000 waxaa loogala laabtay sababo la xiriira ku xadgudubka sharciyada Mareykanka.
Waxaa sidoo kale la laalay 200 illaa 300 oo fiiso oo kale sababo la xiriira “falal argagixiso” oo lagu caddeeyey Qodobka 3aad ee Sharciga Socdaalka Mareykanka. Qodobkan wuxuu si ballaaran u qeexayaa “fal argagixiso” inuu yahay ficil kasta oo khatar gelinaya nolosha aadanaha ama jebinaya sharciga Mareykanka.
Horaantii sanadkan, maamulka Madaxweyne Trump ayaa joojiyay jadwalka ballamaha fiisooyinka ardayda caalamiga ah. Bishii Juun, markii ballamaha dib loo bilaabay, waxay ku dhawaaqeen in dhammaan codsadayaasha laga doonayo inay akoonnadooda baraha bulshada ka dhigaan kuwo dadweynuhu arki karaan si loo baaro dhaqdhaqaaqooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay sheegtay in dib-u-eegisyadani ay soo bandhigi doonaan doonaan “wax kasta oo muujinaya nacayb ama cadowtinimo loo qabo muwaadiniinta, dhaqanka, dowladda, hay’adaha, ama mabaadi’da aasaasiga ah ee Mareykanka.”
Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale loo xilsaaray inay baaraan dadka “taageera, caawiya, ama horumariya kooxaha argagixisada ah iyo hanjabaadaha kale ee ammaanka qaranka; ama ku lug leh xadgudub sharci-darro ah oo ka dhan ah bulshada Yuhuudda sida hanjabaad ama rabshad.”
Inkasta oo Wasaaraddu aysan si cad u qeexin waxa loola jeedo “taageeridda argagixisada,” haddana maamulka Trump wuxuu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah ardayda mudaaharaaday si ay u muujiyaan taageeradooda Falastiiniyiinta iyo dagaalka Qasa, isagoo ku eedeeyay inay muujiyeen dhaqan naceybka dadka Yuhuudda ah.
Tallaabadaan ayaa dad badan muujinayaan in saameynteedu ay aad u xooggantahay maadama arday badan ay dalka Mareykanka wax ka bartana kuwa baddana ay ku haminayaan in ay halkaa wax barasho u tagaan.
Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ay ku dhawaaqday inay joojinayso dhammaan fiisooyinka dalxiiska ee dadka Qasa.
Joojinta Fiisooyinka ayaa qeyb ka ah “dib u eegis buuxda oo dhamaystiran oo lagu sameynayo nidaamka iyo hababka loo isticmaalay in lagu soo saaro tiro yar oo fiisooyin caafimaad ah iyo kuwa bini’aadanimo maalmihii la soo dhaafay,”
Go’aankaas waxaa cambaareeyy qaar ka mid ah koxaha xuquuqda aadanaha ee Falastiin.
Hay’adda Gargaarka Caruurta ee Falastiin ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanku “uu saameyn xun oo aan lagasoo waaqsan karin yeellan doona.”
Isha BBC