Home Wararka Maanta Ex Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dalka uu wajahayo caqabado amni oo...

Ex Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dalka uu wajahayo caqabado amni oo culus

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray bayaan siyaasadeed oo faahfaahsan, isagoo muujiyey walaac ku saabsan xaaladda amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulsho ee dalka, isla markaana ku baaqay wadahadal qaran iyo midnimo.

Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso “caqabado amni oo culus,” isaga oo ku eedeeyey Dowladda hadda jirta in ay si buuxda uga hortagi waaydey khataraha argagixisada” islamarkaana digniin ka bixiyey in kala qaybsanaanta ciidanka qaranka ay daciifisay difaaca dalka.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ayaa muujiyey walaac ku saabsan soo noqoshada xiisadaha hubeysan ee ku saleysan beelaha qaybo ka mid ah dalka.

Dhanka siyaasadda, Farmaajo ayaa xusay in hannaanka maamul ee Soomaaliya uu ka leexday wadadii dastuuriga ahayd ee la isla gartay, isagoo ku adkeeyey in go’aannada siyaasadeed ee muhiimka ah ay u baahan yihiin is-afgarad qaran oo ballaaran.

Bayaanka Farmaajo ayaa digniin ka bixiyey in tallaabooyinka siyaasadeed oo keli-talisnimo ah ay keeni karaan kala qaybsanaan, isla markaana khatar gelin karaan dadaallada dhisidda dowladnimada.

Dhanka dhaqaalaha, wuxuu tilmaamay in sicir-bararku uu kor u kacay, iyo kalsooni-darrida bulshada, isagoo ku booriyey Dowladda in ay ilaaliyaan bulshooyinka nugul ee saameynta ku yeeshay abaaraha iyo dhibaatooyinka.

Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, odayaasha, bulshada rayidka iyo muwaadiniinta in ay mid noqdaan si loo ilaaliyo xasilloonida qaranka, ammaanka iyo maamul-dastuuriga ah.

Waxa uu sidoo kale uu ku boorriyey in la xoojiyo dagaalka lagula jiro argagixisada, heshiis siyaasadeed, iyo wadahadal ku saleysan wada-tashi iyo ka-qaybgal ballaaran.