Home Wararka Maanta Faahfaahin Iiraan oo gacanta ku dhigtay markab xiriir la leh ISRAEL

Faahfaahin Iiraan oo gacanta ku dhigtay markab xiriir la leh ISRAEL

0

ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada maraakiibta.

Wakaaladda IRNA ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormuz ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.

Markabka Aries ayaa khadka maraakiibta caalamiga ah ee MSC uu ka kireysatay shirkadda Gortal Shipping, oo xiriir la leh Zodiac Maritime, sida ay Zodiac ku sheegtay bayaan ay soo saartay, waxayna intaa ku dartay in MSC ay mas’uul ka tahay dhammaan howlaha markabka.

Zodiac ayaa waxaa qayb ahaan iska leh ganacsade Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eyal Ofer.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoobar, iyadoo Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay marar badan isku dhaceen kooxaha taabacsan Iran ee ku sugan Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto duqaymo looga shakisan yahay in ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq 1-dii April, weerarkaasi oo ay ku dhinteen toddoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo ay ku jireen laba taliyeye oo sar-sare.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu filayo in Iiraan ay waqti dhow weerareyso Israa’iil, isagoo uga digay Tehraan in ay weerarkaasi fuliso.

Afhayeenka milatariga Israa’iil, Rear Admiral Daniel Hagari, ayaa yiri “Iiraan waxa ay qaadi doontaa cawaaqibka ka dhasha doorashadeeda in ay sii kordhiso xaaladdan”, mar uu ka jawaabayay warbixinnada la xiriira qabashada MSC Aries.

Talaadadii ayaa madaxa ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka, Alireza Tangsiri, waxa uu sheegay in ay xiri karaan marin biyoodka Hormuz haddii loo arko lagama maarmaan.

Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Buurhakaba oo Dagal Culus ka Dhacay yuu u Dhaxeeyaaa?
Next articleBooliska Soomaaliya oo Caawa Digniin Kama Danbays ah Udiray Beesha Sacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here