Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa mushaarkii ka jartay kooxda Dayax Band. Fananniinta kooxdan ayaa qaaday heestii ay Soomaalida sida weyn u dhibsadeen ee “Ma lihin cadow Xamar ka daran”.
Abwaan Daaha Gaas oo kooxdan maamula ayaa shaaciyay in mushaarkii laga jartay. Tallaabadan ayaa lala xiriirinaya in Fanaanniintan ay si dhow ula shaqeynayeen madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, oo kalkiisi Madaxtooyadda Somaliland looga luuqeeyay heesta lagu weeraray reer Muqdisho.
Daaha Gaas oo soo saaray qoraal uga hadlayo arrintaan ayaa sheegay in uusan ku waayi karin xuquuqdiisa muwaadinimo inuu kasoo horjeeday xisbiga Waddani oo haatan tallada Somaliland haya, “In maanta fanaanniinta la kala reebo oo wasaarada war faafinta la yidhaahdo Dayax Band lama siinayo waa aargoosi iyo cadaawad fogaatay.”
Waxa uu intaas kusii daray “Ma baryootamayo tolaayeeyna odhan maayo. Madaxwayne qarankii aad lahayd waan u simanahay oo waa lay dhaariyay cadaaladii ma hayo anigu. Isku qoomamayn maayo inaan Muuse Biixi la socday, waan ku faraxsanahay. Ilaahay cidaan ahayna nin barya ma ahi, taasna meel ku qorta. Colaadina iguma jirin iyo cid nacayb, Cirro-na madaxweynahaygii buu noqday una malayn maayo ka ila dagaalamaya isaga inuu yahay laakiin way soo bixi.”
Go’aaankan looga jaray mushaarkii Fanaanniintan ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen mid loo baahna, halka kuwa kalena u arkaan taas bedelkeed.
Sidoo kalena waxa uu go’aankan kusoo aadaya, xilli ay maanta xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba magaalada Hargeysa ka joojisay bandhigyada iyo caweyska habeenkii.