Home Wararka Maanta Farmaajo oo soo dhoweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Farmaajo oo soo dhoweeyay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo dhoweenayo gogosha wadatashiga Qaran ee uu todobaadkaan iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu Farmaajo shaaca ka qaaday in si gogoshan ay miro dhal u noqoto, inuu adkaynayo baaqyada ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo tabasho uga maqnaa Madashii Wadatashiga Qaranka.

Ugu dambeyn Farmaajo waxa uu kusoo gaba gabeeyay qoraalkiisa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga sugaayo in uu ka laabto tallaabooyin uu ku tilmaamay mid hal dhinac ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Dhammaan xubnaha Mucaaradka ayaa si wadajir usoo dhoweeyay gogosha wadatashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Soomaaliya shaaciyay balse ay ku xireen sharuudo dhowr ah si ay uga qeyb galaan.