Home Wararka Maanta Fashil soo Wajahay Wadahadalkii u Socday Dowlada Somaliya iyo Itoobiya

Fashil soo Wajahay Wadahadalkii u Socday Dowlada Somaliya iyo Itoobiya

0

Wadahadalladii Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, sida ay ii sheegeen ilo ku dhow wadahadalka uu dhex-dhexaadinayay Turkiga, iyadoo la filayo wafdiga Soomaaliya inay caawa u socdaalaan dalka Masar oo uu maanta u ambabaxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkiga ayaan weli ka quusan sii waddida wada-hadaladan, mar kale ayaa la filayaa bisha soo socota wareeggii saddexaad ee wada-hadal in lagu qabto Ankara.

Ka hor inta aysan ka tagin Ankara, labada wafdi ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa la filayaa inuu soo baxo War saxaafadeed wadajir ah oo lagu ambaqaadayo wadahadalka.

Waxaa la isku mari waayey labada qodob oo kala ah Luuqadda ay Itoobiya uga noqonayso is-afgaradkii ay la gashay Somaliland iyo hab ay Itoobiya ku galayso badda Soomaaliya.

Soomaaliya & Itoobiya ayaa dhinac kasta go’aankiisa ku adkeystay, iyadoo Addis Ababa ku taagan tahay damaceeda biyaha Soomaaliya halka DF ay ku adkeysatay in marka hore Itoobiya ka laabato Heshiiskii is afgaradka Somaliland inta aan wax kale laga wadahadlin.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya Nebiya Tedla oo kahadlayay wada hadalka Ankara ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay helida Adeeg Badeed, maadaama dadkooda ay kor u dhaafeen 123 Milyan oo aan Bad la’aan ahaan karin, sidaasoo kalena ay ixtiraamayaan madax banaanida dhammaan dalalka deriska la ah Itoobiya.

Tedla ayaa dhinaca kale sheegay inay ilaashan doonaan deriskooda ay danuhu ka dhaxeeyaan, oo ay kuwada jiraan heshiisyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here