Nimco Bashiir Daa’uud, oo 28 jir ah, ayaa ku sii jeeday gurigeeda ayaa lagu dilay meel kayn ah oo ku taal Märsta sida ay shaacisay warbaahinta Aftonpladet.
Xiliga Dilka loo geestay waxaa qadka ugu jiray Saynab Xasan oo khafka taleefanka ugu jirtay iyadoo sidaasi ugu gudbisay Booliska Stockholm.
– Waxay bilowday inay magacayga sheegto. Ka dibna waxay bilowday inay qayliso ayay Seynab u sheegtay Jornalka Aftonpladet.
Fiidnimadii Isniinta ee shalay, booliska ayaa ku dhawaaqay inay qabteen qof looga shakisan yahay inuu ka danbeeyay dilka Nimco.