Home Wararka Maanta Galmudug: Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah oo ku geeriyooday qarax...

Galmudug: Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah oo ku geeriyooday qarax miino

0

Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, halka tiro kale oo ka badan 8 qofna ay ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay deegaanka Kud-kudaaleey oo hoostaga degmada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Qaraxa ayaa haleelay gaari noociisu yahay Laylo-calaawi oo ay saarnaayeen ku dhowaad 20 qof oo safar ahaa, kuwaas oo ka yimid gobollada dhexe kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in miinada ay qarxiyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab, kadib markii dadka saarnaa gaariga ay diideen bixinta lacago baad ah oo lagu amray.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in khasaaraha uu ahaa mid aad u daran, iyadoo xubno ka mid ah dadkii saarnaa gaariga ay si xun u burbureen, lana garan waayay rag iyo dumar midka ay yihiin.

Sidoo kale, hooyo iyo carruurteeda ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxa, iyadoo mid ka mid ah carruurtaasi uu ahaa ilmo yar oo bilo jir ah.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale tilmaamaya in Al-Shabaab ay dadka safarka ah ku amreen inay bixiyaan 6 doollar qofkiiba, halka gawaaridana laga rabo 35 doollar, gaar ahaan dadka ka safraya gobollada dhexe una socda Muqdisho ee sii maraya Shabeellada Dhexe.

Kooxda ayaa intaas ku dartay inay dadka ku khasbayaan inay maraan oo keliya deegaannada ay iyagu maamulaan marka ay u socdaan Muqdisho, iyagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo amarradaas diidda.