Wararka ka imaanaya gobolka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dil iyo dhaawac loogu geystay laba ka mid ah muwaadiniiinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay.
Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa dishay Saadaq Axmed Xasan oo loo yaqiinay Saadaq British, waxaana sidoo kale burcadu dhaawaceen muwaadin kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Daahir oo ay marxuumka wada joogeen dukaan ku yaala dulaadka magalada Pietermaritzburg ee gobolka KwaZulu-Natal.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed iyo midka dhaawac ah ayaa halkaas ka sameeyay baaritaano ay ku baadi goobayaan burcada dilka iyo dhaawac geysatay, hayeeshee lama soo warin cid ay u soo qabtaan falkaas.
Marxuumka la dilay Saadaq British ayaa la sheegay inuu ku noola dalkaasi Koonfur Afrika mudo aad u dheer, islamarkaana uu ka mid aha dadka sida weyn looga yaqiinay gobolka KwaZulu-Natal, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo doonayay iney dhacaan dukaanka marxuumka lagu dhex dilay.
Dalka Koonfur Afrika waxaa si aad ah ugu soo kordhaya marba marka ka dambeysa dilalka, dhaawaca, iyo dhaca loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqo doontay.