Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka oo digniin u diray Maamulkada Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddiga Doorashooyinka oo digniin u diray Maamulkada Degmooyinka Gobolka Banaadir

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdima (GMDQS) ayaa soo saaray warqad digniin rasmi ah oo ay ku adkeynayaan in la xoojiyo fududeynta ololaha doorashada iyo habsami u socodka qaadashada Kaararka Codbixiyaha, gaar ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa Maamullada Degmooyinka ugu baaqay inay xaqiijiyaan jawi xor ah oo ururrada siyaasadda ay ku wadan karaan ololahooda doorasho iyo helitaanka Kaararka codbixinta.

Warka Guddiga ayaa si gaar ah loogu xusay dhowr tilmaamood oo sharci ah, oo ay ka mid tahay in musharaxiinta iyo ururrada siyaasadeed loo oggolyahay inay olole sameeyaan si sharci ah oo aan faragelin siyaasadeed lagu sameyn.

Sidoo kale, Maamullada Degmooyinka ayaa lagu wargeliyay inaan la aqbali karin culeys kasta oo carqaladeyn kara shaqada shaqaalaha doorashada ama abuuraya jawi amni darro keeni kara kalsooni darro bulshada dhexdeeda.

Guddigu wuxuu hoosta ka xarriiqay in cabashooyinka sharciyaysan ee ururradu ay soo gudbiyaan la tixgelin doono, balse aan loo dulqaadan doonin wax kasta oo carqaladeynaya hufnaanta iyo wada-shaqeynta geeddi-socodka doorashada.

Intaa waxaa dheer, maamulka degmooyinka ayaa lagu wargeliyay in shaqadoodu tahay fududeynta, islamarkaana aysan noqon karin waxyaabaha hor istaaga hawlaha doorashada.

Ugu dambeyntii, Guddigu waxay sheegeen inay kalsooni ku qabaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo rajo ka muujiyay in wada-shaqeyn buuxda lagu xaqiijin doono in muwaadiniintu helaan adeega doorashada si siman, hufan, ammaan leh, isla markaana waafaqsan sharciga.