Guddiga Doorashooyinka ayaa been abuur ku tilmaamay warar dhowanahaan qabsaday baraha Bulshada oo ah in si xoog ah loogu qasbaayo shacabka magaalada Muqdisho inay kaarka codbixinta ay qaataan hadii kale la xiraayo.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa ku tilmaamay mid been abuur ah wararka maalmahaan la isla dhexmaraayay ee ah in si qasab ah dadka loogu amraayay inay kaarka codbixinta qaataan iyadoo la adeegsanayo ciidamada ammaanka.
“Kuwani waa warar marin habaabin ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ku wareegaya baraha bulshada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, isagoo caddeeyay in diiwaangelintu ay tahay mid uu qofka xor uu yahay ayna jirin wax qasab ah.
“Codbixintu waa xuquuq dastuuri ah iyo doorasho qofeed, qofna laguma khasbi karo inuu kaarka codbixinta qaato” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiye Cabdikariim.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa shacabka ku booriyay inay ku kalsoonaadan Guddiga oo wixii caqabad ah ama qasab lagu damco in lagu diiwaangeliyo Guddi ahaan ay soo wici karaan, waxaana uu carabka ku adkeeyay in xogta laga qaato ilo rasmi ah si shacabka u helaan xogta saxda ah ee la xiriirta hanaanka doorashada ee socota.