Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho la xiri doono maalin qura, Khamiista 25-ka Diseembar 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka ka dhacaya caasimadda.
War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista ayaa lagu wargeliyay shacabka Soomaaliyeed, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka in aysan jiri doonin wax duulimaad ah oo ka degaya ama ka duulaya garoonka inta uu xirnaanshiyahaasi socdo.
Hay’addu waxay sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay tallaabooyinka amni iyo diyaargarowga farsamo ee la xiriira doorashooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada guud iyo habsami u socodka hawlaha doorashada.
Mas’uuliyiinta Duulista Rayidka ayaa kula taliyay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha in ay dib u eegaan jadwalka duulimaadyadooda, isla markaana ay ka fogaadaan qorsheynta safarro ku beegan maalinta xiritaanka.
Ugu dambeyntii, Hay’adda Duulista waxay sidoo kale xaqiijisay in howlihii caadiga ahaa ee garoonka dib loo bilaabi doono marka la qaado xayiraadaha ku-meelgaarka ah ee la xiriira doorashada, waxayna rakaabka ku boorrisay in ay la socdaan wararka rasmiga ah ee ka imanaya hay’adda si ay u helaan tilmaamo dheeri ah haddii ay wax soo kordhaan.








