Home Wararka Maanta Heshiis is-afgarad oo dhexmaray Dowlada Somaliya iyo Madasha Samatabixinta

Heshiis is-afgarad oo dhexmaray Dowlada Somaliya iyo Madasha Samatabixinta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay isfaham siyaasadeed oo cusub oo lagu xoojinayo midnimada qaran, dowlad-dhiska iyo amniga dalka.

War-murtiyeedka ay si wadajir ah u soo saareen labada dhinac ayaa lagu caddeeyay in la adkeynayo madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lana mideynayo dadaallada lagu xoreynayo deegaannada gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu doorto Baarlamaanka Federaalka, halka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada ay si toos ah u doortaan golayoosha Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu awood u yeelan doona magacaabista Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Golaha Shacabka uu ansixin karo ama kalsooni kala noqon karo. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in xisbi qaran loo aqoonsado urur siyaasadeed kasta oo helo ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka federaalka.

Doorashooyinka soo socda ee dalka ayaa la sheegay in lagu saleeyn doono xeerka doorashooyinka 2024, iyadoo si degdeg ah loo guda geli doono qabashada doorashooyinka heer deegaan, dowlad-goboleed iyo federaal.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in si degdeg ah loo dhammaystiro dastuurka dalka si loo xaqiijiyo sharciyadda iyo dowlad-dhiska.

Geeddi-socodka doorashooyinka tooska ah ayaa noqon doona mid ay ka qeyb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafid, iyadoo shacabka loo oggolaan doono codbixin toos ah.

Ugu dambeyn, dowladda iyo madasha ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in ay ka midoobaan dardargelinta dimuqraadiyeynta iyo dhammaystirka geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, iyadoo Golaha Madasha Saamatabixinta uu u kala jabay labo garab, garab taabacsan doorashooyinka iyo cod iyo garab kasoo horjeeda qorshaha ay dowladdu wadato.