U qeybsanaha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa ka wada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Hogaamiye Cali Jeyte oo goob fagaare ah kula hadlaayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Maxaas ayaa dalbaday in si deg deg ah loogu diyaar garoobo dagaalka looga xureynayo Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
“Moqokori awood noolagama qabsan mana aanan kasoo cararin, ninaan talaab gadaal u qaadina laba talaab horay uma qaado ee waxaad ogaataan Xawaadle magaciisa wuu baaba’ayaa hadii deegaanka nalaka qabsado, magaca Xawaadle ee dhulkaan” ayuu yiri Hogaamiye Cali Jeyte.
Hogaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka Al-shabaab kaliya looga guul gaari karo in dadka deegaanka ay u midoobaan.
“Hadii dadku qalbiyadooda isku mid aheyn waxaad ogaataan inaan marnaba cadaw laga guuleysan karin ee waxaan idin leeyahay qalbiyadiina mideeya oo yaanan dayuusiin la noqon ee aan u midowno dagaalka Khawaarijta” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Hadalkaan kasoo yeeray hogaamiye Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Isniintii lasoo dhaafay kooxda Al-shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, islamarkaana haatan ay socdaan abaabulo la xariira sidii looga saari lahaa kooxda degmada Moqokori iyo deegaanada kale ay kaga sugan yihiin Hiiraan.