Home Wararka Maanta Hotel ku yaala Germalka oo dumay iyo Dad ku dhintay bur-burka Hotelka

Hotel ku yaala Germalka oo dumay iyo Dad ku dhintay bur-burka Hotelka

0

Hal qof ayaa dhintay siddeed qofna waxaa laga cabsi qabaa inay ku hoos jiraan burburka ka dib markii qayb ka mid ah hoteel uu ku dumay Koonfur-galbeed ee Jarmalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Adeegga samatabbixinta ayaa la xidhiidhaya lix ka mid ah dadkaasi, sida uu sheegay wargeyska Süddeutsche Zeitung. Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, sida ay AP u sheegeen waaxda gurmadka.

Dhacdadan ayaa dhacday fiidnimadii Talaadada. Dhismayaashii u dhawaa hotelka ayaa laga raray dadkii daganaa.

Wali ma cadda waxa sababay shilkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here