Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay fuliyeen ciidamada Boolis Milataaro ee ku sugan deegaanada u dhow caasimada.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ka dhacay deegaannada Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Siinka Dheer, illaa Ceelasha Biyaha oo xalay lagu arkay ciidamo dheeraad ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha deegaannadaasi, iyaga oo kadib ka sameeyay baaritaanno lagu xaqiijinayay amniga.
Sidoo kale, ciidamada ayaa hubinayay gaadiidka iyo dadka maraya waddooyinka oo ay ku sameynayeen hubin, iyaga oo sidoo lale waydiinayay su’aallo gaar ah.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa amni xaqiijin, si loo hubiyo amniga agagaarka Muqdisho.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in howlgalladan lagu soo qabtay dad tuhmanayaal ah oo lasoo xiray, kuwaas oo ay ku socdaan baaritaanno dheeraad ah.
Si kastaba, howlgalladan ayaa kusoo aaday, iyada oo maalin kahor qarax xooggan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay maqaayad ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.