Home Wararka Maanta Iiraan oo Hanjabaad Culus u dirtay Israil

Iiraan oo Hanjabaad Culus u dirtay Israil

0

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa ka digay in dalkiisa uu “jawaab degdeg ah ka bixin doono” haddii Israa’iil ay qaado weerar xooggan.

Laakin Hossein Amirabdollahian ayaa sii wada in uu hoos u dhigo oo aanu waxba kasoo qaadin duqeymo loo maleynayo in ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil, kuwaas oo ay ku qaadeen Isfahan oo ah bartamaha Iiran.

Waxa uu sheegay in ay ahaayeen diyaaradaha yar-yar oo darooniska oo la mid ah alaabta carruurtu ay ku ciyaaraan .

Labada dhinac ayaa u muuqda in aysan dooneeyn colaad ballaaran, kadib markii ay la jeediyay baaqyo isdaba joog ah oo ka imaanaya madaxda caalamka kuwaas oo ku baaqayey in labad adhinac ay is xakameeyaan

Previous articleGaari Xamuul ah oo Ku Rogmaday Dad Bajaaj Saarnaaa kadibna Sixun u Geeriyooday
Next articleHorjooge Sare oo Soo Galay Gacanta Ciidamada Galmudug ee ku sugan Baxdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here