Home Wararka Maanta Ilhaan Cumar oo ku oorisay Khudbad uu jeedinayay Trump oo Somalida ku...

Ilhaan Cumar oo ku oorisay Khudbad uu jeedinayay Trump oo Somalida ku saabsan

0

Fadhigii Kongareeska Maraykanka ee khudbadda sannadlaha ah ee madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa isu beddelay mid xiiso gaar ah yeeshay, kaddib markii hadallo la xidhiidha socdaalka iyo bulshada Soomaaliyeed ay abuureen buuq iyo is-qabqabsi siyaasadeed. Madaxweyne Trump, ayaa khudbaddiisa ku weeraray siyaasadda socdaalka, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday gobolka Minnesota.

Saacaddii ugu horreysay ee khudbadda, xubnaha Dimuqraadiyiinta ayaa muujinayay diidmo aamusnaan ah, iyagoo aan sacbin ama si muuqata uga falcelin hadallada madaxweynaha. Hase yeeshee, xaaladdu way is beddeshay markii Trump uu si toos ah u weeraray muhaajiriinta iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, isagoo ku tilmaamay gobolkaas tusaale muujinaya waxa uu ugu yeedhay khaladaad doorasho oo ka jira gobollada ay Dimuqraadiyiintu maamulaan.

Hadalladaas ayaa si weyn uga cadhaysiiyay xildhibaanadda asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ka tirsan Aqalka Wakiillada, Ilhaan Cumar, oo marar badan cod dheer ku diidday hadalka madaxweynaha. Ilhaan Cumar ayaa ku dhawaaqday, “Waxaad laysay dad Maraykan,” iyadoo ku eedeysay siyaasadaha adag ee socdaalka inay sababeen dhimashada laba muwaadin oo Maraykan ah oo dhawaan lagu dilay Minnesota xilli ay jireen howlgallo la xidhiidha arrimaha socdaalka.

Xildhibaanadda kale ee Dimuqraadiga ah, Rashida Tlaib, ayaa iyaduna ku biirtay qaylada diidmada ah. Isweydaarsiga hadallada kulul ayaa cirka isku shareeray markii Trump uu Dimuqraadiyiinta ku eedeeyay inay ku fashilmeen ilaalinta xuduudaha, isla markaana uu ku dooday in waajibka koowaad ee dowladdu yahay ilaalinta muwaadiniinta Maraykanka, “ee aan ahayn dadka sharci darrada ku jooga dalka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku celiyay eedeymo la xidhiidha khiyaano doorasho, isagoo sheegay in siyaasadda Dimuqraadiyiintu ay liidato isla markaana ay ku guuleystaan doorashooyinka oo keliya khiyaano awgeed, inkastoo aanu soo bandhigin wax caddeyn ah. Hadalladaas ayaa sii huriyay buuqa ka dhex aloosnaa xubnaha labada xisbi.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa cambaareeyay falcelinta Ilhaan Cumar iyo Tlaib. Wasiirka Gaadiidka, Sean Duffy, ayaa sheegay in inkastoo la isku khilaafsan yahay madaxweynaha, haddana ay habboon tahay in la dhageysto lana ixtiraamo marka uu khudbad jeedinayo. Si kastaba, Afhayeenkii hore ee Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi, ayaa hoos u dhigtay dhacdada, iyadoo sheegtay in buuqaasi aanu si weyn uga dhex muuqan gudaha hoolka.