M/mulka Jubbaland ayaa goor dhow sheegtay inay la wareegeen magaalada Raas kambooni kadib dagaal saacado badan qaatay
War lagu baahiyay telefishinka afka m/mulka ku hadla ayaa lagu sheegay in ciidamadooda si buuxda ula wareegeen degaanka
Ma jiraan warar madax banaan oo warkaan xaqiijinaya ama beeninaya waxaana degaanka ka maqan isgaarsiinta
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo dhanka dawladda Soomaaliya kasoo baxay